Laba Taliye bilays Beeleedka Burco loo Magacaabay
Saturday, April 25, 2009 7:53:52 AM
Inbadan ayay dadweynaha reer Burco isla dhexmaraayeen xukuumadda Rayaalle ayaa ka shaqaysa kala qaybinta bulshadda gobolka
Inbadan ayay dadweynaha reer Burco isla dhexmaraayeen xukuumadda Rayaalle ayaa ka shaqaysa kala qaybinta bulshadda gobolka kana dhex abuurta kala qaybin, colaad abuurid, arintaas ayaa cadaatay kadib markii Taliyaha Boolisska Somaliland Booqasho gaaban ku yimi Magaaladda Burco Kuna Magaacaabay Laba Taliye Booliis Beeleed look ala magacaabay sidatan layaabka leh
1- Talyaha Qabta Bariga Burco (Taliye qaybeedka Booliska Beesha H.JECLO)
2- Taliyaha Qaybta Galbeedka Burco (Taliye Qaybeedka Booliiska Beesha H.Yoonis)
Sheekadaas oo noqotay waxa qudha ee laga doodaayay goobaha laysuku yimaado ilaa shalay bulshadii gobolkana ku noqoqtay amakaag iyo la-yaab sida badheedhka Fuulxumadda leh ee Dawladii Somaliland ukala qaybisay Ciidankii Booliiska qaranka ee ay ahayd in ay ka shaqayso midnimadiisa kana ilaaliso waxii dhaliilo ah ee loo heli karo. arintaas uu Sameeyay taliyaha booliiska Somaliland waxaa iyagu soo dhaweeyay kuna faraxsan Tuugtii Magaaladda oo u fahmay mar hadii uu reer yahay boolisku in aanu qaban Karin oo uu ku andacoonaayo karo anigu ma ahi qoladii aad booliska u ahayd. taasoo shaqadii askariga ka dhigtay hawl-gab gebi ahaanba.
Waxaa kaloo ay dhalisay in beelihii kale ee gobolka deganaana ay ka dhiidhiyaan arintaas kuna doodeen in aan qaybahaas beelaysani booliis u noqon Karin isla markaana aanay aqoonsaneeyn in ay yihiin booliis qaran maadaama laba beelood op qudha loo qaybiyay Ciidankii booliska gobolka oo aanay ku jirin beelihii kale ee gobolka deganaa inkasta oo warar hoose sheegayaa in ku xigeenadda taliyayaasha booliis beeleed-yadda laga kala dhigaayo CIISE MUUSE IYO CABDALLE ARAB hadana taasi may qancin reerahaas.
Iskusoo wada duub oo Arintaasi waxay dhalinaysaa in gebi ahaanba ciidankii booliska gobolka tog-dheer isu bedelo ciidan beeleedyo hadii aanay dawladu si deg-deg ah uga noqon Talaabadaas guracan ee ku kacay Taliyihii Booliska Somaliland.
Dadweynaha gobkuna waxa uu aad u canbaaraaynayaa falkaas magaaladii Burco Lagu kala dhambalaayo (qaybinaayo)
Allaa Mahad leh
Rashiid Ali
Burco Somaliland
rashiid@live.com


