GO,AAN KII GUURTIDU WAA XUMAD JEBIN.
Saturday, September 26, 2009 1:05:58 PM
GO,AAN KII GUURTIDU WAA XUMAD JEBIN.
Go,aankii golaha guurtidda ee ka qosliyay muxaafid iyo mucaaradba
Go,aankii golaha guurtidda ee ka qosliyay muxaafid iyo mucaaradba
GO,AAN KII GUURTIDU WAA XUMAD JEBIN.
Go,aankii golaha guurtidda ee ka qosliyay muxaafid iyo mucaaradba waxa uu ahaa xumad jebin laakin horseedi kara murar hor leh oo aan laga soo kaban karin waa hadii ay qolo waliba sida ay fahamtay u dabakhdo tusaale ahaan hadii ay dawladu ku dheganaato inta ay Doorasho qabsoomayso anaga dawlad-ka ah dalka islamarkaana aanay diyaarin qaabkii ay doorasho ku dhaci lahayd, bedaalkeedana ay ku murmaan uun komishanku waa sax, natiijada serverku waa khalad, interpeace dembi bay gashay, albaabkayku wuu u furanyahay mucaaradka, oo bilo ama sanado sidaas uun ku wadaan UDUB.
Mucaaradku waxay u fahmeen sadexda xisbi bil gudaheed ha ku soo heshiiyaan wakhtiga doorasho qabsoomayso taas oo aan ka muuqan xisbiyada in ay bil ku dhamayn karaan murankii 18 bilood ay ku heshiin waayeen.
Waxay mucaaradku ku dhegan yihiin komishanka wax ha laga bedello, diiwaangelintii ha lagu galo, serverkii waa sax, interpeace, taasoo xukuumadda UDUB-na sidaan kor ku soo xusay istaagaan.
Maxaa halkaa ka soo muuqda?
Ilaahay go,aan muwaafaqo oo lagu negaado ha inooga dhigo laakiin marka xaal sidaa yahay ismari waaga UDUB iyo LABADA XISBI EE KALE KULMIYE IYO UCID si ay ku bedelaan ma muuqato markaa waxaynu ka sii werweraynaa waa murankaa soo taagnaa 18 kii bilood ee aynu soo dhaafnay iyo khibrada aynu ka soo baranay oo in tusaysa cadaadin iyo iska caabin lid isku ah oo hadii aan la helin cid dhexe oo ka dul qaada go,aana ka gaadha waxa laysku hayo sidaasna ku cayima wakhti kama dambays ah oo doorashadu qabsoonto dhinacyadda ay khusaysaana la ogolaysiiyo. Hadii kale waxaynu filaaba waa mucaaradka oo halkaa ka bilaaba wakhtigii riyaale wuu dhamaaday ma aqoonsanin xukunkiisa hayaay ka soo kacaay mudahaad, kacdoon shacbi ku baaqis. iyo udub oo tidhaahda m/weynaha waxaa lagu bedeli karaa doorasho uun cidii mudahaaraad samaysa talaabo ayaa laga qaadayaa iwm. GO,AAN KII GUURTIDU WAA XUMAD JEBIN.


